Tehran oo Ka Hadashay Suurtagalnimada Xiritaanka Hormuz

 


Saraakiil ka tirsan dowladda Iran ayaa digniin culus u jeediyay beesha caalamka iyagoo sheegay in haddii dagaal ka dhaco gobolka, ay suuragal tahay in Gacanka Hormuz la xiro kana mid ah marinada ugu muhiimsan ee shidaalka adduunka la mariyo. 

Xubnaha Golaha Istiraatiijiga ah ee Arrimaha Dibadda ee Iran ayaa tilmaamay in haddii dagaal uu ka dhaco Bariga Dhexe, amniga tamarta uu halis galo, taasoo keeni karta in Iran xayiraad saarto marin biyaha muhiimka ah ee u dhexeeya Badweynta Hindiya iyo Gacanka Faaris.

Gacanka Hormuz waa marin istiraatiiji ah oo ku xira Gulf of Oman iyo Gulf-ka Faaris, maraakiibta shidaalka dunida ka dhoofto qiyaastii 20% shidaalka caalamka, Xiritaanka marinadan noocaas ah waxay saameyn ba’an ku yeelan kartaa suuqyada tamarta iyo sicirka shidaalka iyadoo ay siyaabo kala duwan uga digayaan siyaasiyiinta reer galbeedka.

 Si kastaba, go’aanka kama dambaysta ah ee xiritaanka Gacanka waxaa gacanta ku haya hay’adaha ugu sarreeya ee amniga ee Iran.


Post a Comment

0 Comments