Dibadbaxyo iyo Dalab Caddaaladeed oo Maanta Hareeyay Kenya

 


Kumannaan qof ayaa maanta isugu soo baxay qaybo kamid ah dalka Kenya si ay u xusaan sannad-guuradii labaad ee dibadbaxyadii waaweynaa ee dhacay 25-kii Juun 2024, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac badan.

Ciidamada ammaanka ayaa xiray waddooyin muhiim ah oo gala bartamaha magaalada Nairobi, halka ganacsiyo badan ay albaabada u laabeen cabsi la xiriirta xaaladda amni. Wararka ayaa sheegaya in booliisku adeegsaday sunta dadka ka ilmeysiisa si ay u kala eryaan kooxo dibadbaxayaal ah oo isku dayay inay gaaraan dhismaha Baarlamaanka.
Qoysaska dadkii ku dhintay dibadbaxyadii 2024 iyo kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa dowladda ugu baaqay in la helo caddaalad iyo isla xisaabtan ku saabsan dilalkii dhacay intii ay socdeen mudaharaadyadaasi.
Dowladda Kenya ayaa hore u sheegtay inay oggolaan doonto dibadbaxyo nabdoon, balse ay tallaabo ka qaadi doonto cid kasta oo ku lug yeelata rabshado ama burbur hantiyeed.
Xaaladda Nairobi iyo magaalooyin kale ayaa weli kacsan, iyadoo la filayo in bannaanbaxyada iyo xusaska ay sii socdaan inta lagu jiro maanta.

Post a Comment

0 Comments