Abdulaahi Dheere oo hantidii Rer Kismayo ee uu dhacay ganacsi balaaran ka sameeyay



Ninka caanka ku ah boobka shacabka jubaland gaar ahaan Rer Kismayo Abdulaahi Skeekh Cali, Abdulaahi Dheere ayaa bilaabay in uu lacagta shacabka ka dhaco in gudaha Magaalada Kismayo ku maalgashto taas ah mucjiso wayn.

Sida ognahay ganacsiga dad qaar siyaabo kala duwan ayay u bilaabaan Abdulaahi Kafane ama Abdullahi Dheere waxa uu kaga duwan yahya ganacsatada kale in xoolo shacab la dhaco hadana isla magaalada laga dhacay hantida lagu maalgashto.
Ninka ay qaraabada yihiin Madaxwaynaha Jubaland Ahmed Moahmed Islaam ayaa dhawaan Magaalada Kismayo ka hirgaliyay maqaayad wayn oo casri oo lagu magacaabo Kulmis garden oo ku taal bartamaha Magaalada Kismayo.
Maqaayadaan oo ka kooban hoolalka shirarka, cuntooyinka, aroosyada iyo qaybo lagu qaxweeyo ayuu dhisay Abdullahi Dheere lacagta lagu dhisay maqaayadaan ayaa waxa laga dhacay shacabka rer Kismayo.
Madaxwayne Axmed Madoobe ayaa indhaha ka daawanaya ina adeerkiis oo ku eedeesan dhac boob hanti dad wayne Axmed Madoobe oo caan ku ahaa isuso dhaweenta beelaha jubaland ayaa hada waxa uu u muuqdaa inu kiiskaan indhaha ka qabsaday.
Abdulahi Dheere ayaa sii balaarinayo mashruuca maqaayada Kulmis isagoo wado dhismayaal qaybo la seexdo oo hoteelo cusub oo uu ku darayo maqaayada mana jirto cid laxisaabtamayso oo weydiinayso hantidaan faraha badan mesha uu ka keenay.
Dadka shacabka ah uu dhacay Abdullahi Kafane ayaa ugu baaqay madaxwayne Axmed inu la xisaabtamo ninkaan oo uu xayiro dhamaan akoomada gaarka ee uu leeyahay Abdullahi Dheere.
Dhulka maqaayada iyo hoteelka uu ku dhisayo abdullahi dheere waxa uu ku iibsaday haaf nilyan lacagtii uu dhulalalka masaakiinta ka sameeyay oo dhacay ayuu ku iibsaday dhul wayn oo ku yaalo bartamaha Magaalada Kismayo.

Post a Comment

0 Comments