Axmed Madoobe "Puntland waa inay ka dhacdaa Raaskaambooni 2".

 Madaxweynaha Jubaland, Ahmed Mohamed Islam, ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan Puntland kaddib dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo hadallo siyaasadeed oo maalmihii dambe soo baxay.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in dowladda federaalka ay isku dayday inay awood ciidan ku maquuniso Jubaland, balse sida uu sheegay ay ciidamadoodu iska caabiyeen weerarkaasi. Wuxuu xusay dagaalkii ka dhacay deegaanka Raaskaambooni wixi ka dhacay inay soomaali oo dhan marqaati ka tahay.

Isagoo ka hadlayay xaaladda Puntland, Axmed Madoobe wuxuu sheegay in Puntland looga baahan yahay inay ka feejignaato waxa uu ku tilmaamay isku day kasta oo lagu doonayo in awood ciidan lagu xalliyo khilaafaadka siyaasadeed. Wuxuu yiri: “Puntland waa inay ka dhacdaa Raaskaambooni 2,”.

Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa sheegay in shacabka Puntland aysan aqbali doonin in xoog ciidan looga soo duulo ama lagu qabsado deegaannadooda, isagoo ku baaqay in arrimaha siyaasadeed lagu xalliyo wada-hadal iyo is-afgarad.

Post a Comment

0 Comments