Guddoomiyaha Xisbiga KAAH ee Somaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sheegay in xisbigiisu uu ka soo horjeedo go'aanka ay xukuumadda Somaliland ku furtay safaarad magaalada Qudus (Jerusalem), isaga oo ku tilmaamay arrin aan laga yeelan wadatashi qaran oo ku filan.
Maxamuud Xaashi ayaa sheegay in siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland ay tahay inay ku dhisnaato danaha qaranka, isla markaana laga fogaado tallaabooyin keeni kara muran siyaasadeed ama diblomaasiyadeed. Waxa uu xusay in go'aanka la xiriira Qudus uu yahay arrin xasaasi ah oo saameyn ku yeelan karta xiriirka Somaliland ay la leedahay dalalka gobolka iyo dunida Islaamka.
Hadalka Guddoomiyaha KAAH ayaa yimid kaddib markii Somaliland ay si rasmi ah safaarad uga furtay magaalada Qudus, tallaabo ka dambeysay booqashadii Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) uu ku tagay Israa'iil iyo heshiisyo iskaashi oo ay labada dhinac kala saxiixdeen. Go'aankaas ayaa dhaliyay falcelinno kala duwan gudaha Somaliland iyo guud ahaan gobolka.

0 Comments