Dowladda Argentina ayaa ku eedeysay Boqortooyada Ingiriiska in markabka dagaalka ee Royal Navy, Medway, uu si sharci darro ah u dhex maray biyaha ay Argentina sheegato inay leedahay ee ku dhow jasiiradaha Falkland (Malvinas), iyadoo arrintaas ku tilmaantay “faragelin militari.”
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Argentina ayaa sheegtay inay u gudbisay dowladda Britain dacwad diblomaasiyadeed, iyadoo ku dooday in markabku uu galay biyahaas isagoo aan wax oggolaansho ama ogeysiis ah bixin.
Dhanka kale, Dowladda Britain ayaa si adag u beenisay eedeyntaas, iyadoo sheegtay in HMS Medway uu marayay waddo sharci ah oo waafaqsan sharciga caalamiga ah ee badaha. Wasaaradda Gaashaandhigga UK ayaa sheegtay in markabku uu ku sii jeeday magaalada Punta Arenas ee Chile si uu u taageero hawlaha cilmi-baarista Antarctic-ka.
Xiisaddan ayaa soo cusboonaatay saacado uun ka dib markii Argentina ay ka adkaatay England ciyaartii nus-dhamaadka Koobka Adduunka, iyadoo muranka ku saabsan lahaanshaha Jasiiradaha Falkland (Malvinas) uu mar kale cirka isku shareeray. Britain ayaa maamusha jasiiradaha tan iyo dagaalkii Falklands ee 1982, halka Argentina ay weli ku doodayso inay iyadu leedahay.

0 Comments