Dhacdada calanka oo dhalisay walaac cusub oo ku saabsan xiriirka labada dal

 

Muuqaal si weyn ugu faafay baraha bulshada oo muujinaya askar ku labisan dareyska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo u muuqda inay ku dul istaagayaan isla markaana xaqirayaan calanka Mareykanka, ayaa dhaliyay dood ballaaran. Falanqeeyayaal ayaa ka digay in dhacdadan ay sii xumeyn karto xiriirka xasaasiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.

Muuqaalka ayaa si degdeg ah ugu baahay baraha bulshada, waxaana dad badan ay isweydiiyeen sida calanka Mareykanka loogu dhaqmi karo qaabkan, iyadoo Mareykanku uu tobannaan sano ku bixiyay balaayiin doollar taageerada dhismaha hay’adaha dowladda iyo tababarka ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay inay dib u eegtay muuqaalka, islamarkaana ay ku tilmaantay falkaasi mid aan la aqbali karin.

Qoraal ay wasaaraddu soo saartay ayay ku tiri: “Wasaaradda Gaashaandhigga waxay la socotaa muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada oo muujinaya shaqsiyaad ku labisan dareyska ciidamada Soomaaliyeed oo ku kacaya fal aan la aqbali karin oo la xiriira calanka Mareykanka.”

Waxay intaas ku dartay in falkaasi uusan waafaqsanayn qiyamka, anshaxa iyo xirfadda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isla markaana uusan ka tarjumayn aragtida Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasaaraddu waxay xaqiijisay in askarta ku lugta leh dhacdadan la xiray, isla markaana baaritaan rasmi ah uu socdo si loo ogaado sida ay wax u dhaceen loona qaado tallaabooyin sharci iyo anshax oo ku habboon.

Dhanka kale, Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa mar kale caddeysay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta xiriirka amni ee muddada dheer kala dhexeeya Mareykanka.

“Iskaashiga naga dhexeeya Mareykanka wuxuu door muhiim ah ka qaatay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo Daacish, iyo sidoo kale xoojinta hay’adaha amniga Soomaaliya. Waxaan xushmad buuxda u haynaa shacabka Mareykanka, calankiisa iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal,” ayay wasaaraddu ku sheegtay bayaankeeda.

Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa xilli xiriirka Muqdisho iyo Washington uu wajahayo caqabado isdaba joog ah. Falanqeeyayaal badan ayaa aaminsan in dhacdadani ay noqon karto arrin kale oo sii adkeyn karta xiriirka labada dhinac.

Toddobaadyadii u dambeeyay, Mareykanka ayaa Midowga Afrika ku wargeliyay inuu joojin doono taageerada saadka ee Qaramada Midoobay ay siiso howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya marka la gaaro dhammaadka bisha Diseembar, taas oo walaac ka dhalisay mustaqbalka howlgalka nabad ilaalinta.

Bishii Janaayo, Mareykanka ayaa sidoo kale hakiyay qayb ka mid ah kaalmadii uu siin jiray Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay mas’uuliyiin Soomaaliyeed inay burburiyeen bakhaar uu lahaa Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP) isla markaana ay la wareegeen gargaar cunto oo ay maalgeliyayaal bixiyeen.

Sidoo kale bishii Juun ee sanadkii hore, Mareykanka wuxuu hakiyay taageeradii uu siin jiray Ciidanka Danab, kadib markii uu sheegay inuu helay musuqmaasuq baahsan oo ay ku jiraan xatooyo raashin ciidan iyo tallaabooyin wax looga qaban waayay arrimahaasi.

Ilaa hadda ma cadda sida dowladda Mareykanka uga falcelin doonto dhacdadii ugu dambeysay ee la xiriirta askarta Soomaaliyeed iyo calanka Mareykanka. Si kastaba ha ahaatee, dhacdadan ayaa timid xilli labada dal ay weli iska kaashanayaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish, iyadoo ay barbar socdaan caqabado la xiriira amniga iyo taageerada caalamiga ah.

Post a Comment

0 Comments