Dowladda Kenya ayaa maanta si weyn u adkaysay ammaanka guud ahaan dalka, gaar ahaan magaalada Nairobi, iyadoo la xusayo maalinta taariikhiga ah ee Saba Saba oo ku beegan 7-da Luulyo.
Booliska ayaa xiray qaar ka mid ah waddooyinka waaweyn ee gala bartamaha Nairobi, halka baro-kantarool badan la dhigay si loo sugo ammaanka. Gaadiidka dadweynaha ayaa meelo badan yaraaday, waxaana la arkayay ciidamada ammaanka oo si aad ah u sugaya xarumaha dowladda iyo goobaha muhiimka ah.
Dhinaca kale, kooxo u ololeeya xuquuqda aadanaha iyo bulshada rayidka ayaa qorsheeyay dibad-baxyo lagu xusayo halgankii dimuqraadiyadda ee sannadkii 1990, iyagoo sidoo kale dalbanaya isbeddello la xiriira maamulka, isla xisaabtanka iyo dib-u-habeynta hay’adaha ammaanka.
Maalinta Saba Saba ayaa sanad kasta lagu xusaa Kenya, iyadoo loo aqoonsan yahay astaan u ah halgankii shacabka ee horseeday dib u soo noqoshada nidaamka xisbiyada badan ee dalka.

0 Comments