Kenya: DCI oo tababar lagu xoojinayo aqoonta boolis cusub u qabatay

 Waaxda Dambi Baarista Kenya (DCI) ayaa maanta tababar wacyigelin ah oo ballaaran oo ku saabsan ka-hortagga xagjirnimada iyo rabshadaha u qabatay ardayda cusub ee Ciidanka Booliska Maamulka, kuwaas oo tababarkoodu ka socdo Kulliyadda Qaranka ee Booliska, xarunta Embakasi ‘A’ Training Campus.

Tababarkan oo ay hormuud ka ahaayeen saraakiil ka tirsan Agaasinka Ka-hortagga Xagjirnimada ayaa lagu xoojiyay fahamka ardayda ee khatarta isbeddelaysa ee argagixisada iyo xagjirnimada, hababka lagu kiciyo fikirrada xagjirka ah iyo xeeladaha casriga ah ee ay adeegsadaan kooxaha xagjirka ah, gaar ahaan kuwa ka faa’iideysta teknoolojiyadda cusub iyo baraha internet-ka.

Ardayda cusub ee booliska ayaa la siiyay aqoon iyo xirfado wax ku ool ah oo ay ku aqoonsan karaan, uga hortagi karaan, ugana jawaabi karaan khataraha la xiriira argagixisada iyo xagjirnimada, iyadoo lagu adkeeyay doorkooda muhiimka ah ee ilaalinta amniga dalka iyo ka hortagga qoreynta shabakadaha xagjirka ah.

Qodobbada muhiimka ah ee tababarka lagu soo qaatay waxaa ka mid ahaa waddooyinka lagu kaco fikirrada xagjirka ah iyo isbeddellada qorista xubnaha cusub, wacyigelinta amniga, aqoonsiga dadka iyo falalka laga shakiyo, iyo isbeddelka khataraha xagjirnimada ee Kenya. Waxa kale oo si gaar ah diiradda loo saaray ururinta xogta amniga, ka hortagga hore (early intervention), iyo muhiimadda ay leedahay la shaqeynta bulshada si looga hortago saameynta xagjirnimada.

Sidoo kale, tababarka ayaa lagu falanqeeyay maalgelinta argagixisada, iyadoo ardayda la baray hababka kala duwan ee kooxaha xagjirka ah ay u helaan dhaqaale ay ku sii wataan hawlahooda, sida ganacsiga sharci darrada ah ee xuduudaha, lacag dhaqidda (money laundering), ganacsiyo aan sharci ahayn, baad iyo handadaad lagu hayo ganacsiyada yaryar, iyo sidoo kale adeegsiga sii kordhaya ee nidaamyada lacagaha dijitaalka ah.

Ardayda ayaa sidoo kale lagu baray sharciga iyo siyaasadaha Kenya ee la-dagaallanka xagjirnimada, iyadoo lagu adkeeyay doorka muhiimka ah ee Ciidanka Booliska Qaranka ee ka hortagga, ogaanshaha, iyo ka jawaabidda falalka xagjirnimo, iyaga oo ilaalinaya sharciga iyo xuquuqda aadanaha.

Iyadoo ay isku diyaarinayaan qalin-jabinta iyo bilaabidda shaqadooda boolisnimo, ardayda ayaa lagu boorriyay in ay feejignaadaan, ilaaliyaan anshaxa sare, isla markaana muujiyaan xirfad iyo garasho sax ah marka ay gudanayaan waajibaadkooda. Waxaa sidoo kale lagu xusuusiyay in xagjirnimadu ay saameyn karto qof kasta oo bulshada ka tirsan.

Barnaamijkan wacyigelinta ah ayaa qeyb ka ah istaraatiijiyadda ballaaran ee DCI ee lagu dhisayo awoodda la-dagaallanka xagjirnimada ee saraakiisha cusub, ka hor inta aysan si rasmi ah ugu biirin adeegga booliska.

DCI ayaa sheegtay inay sii wadi doonto la shaqeynta hay’adaha kale si loo xoojiyo tababarrada noocan ah loona hirgeliyo hab ku saleysan xog ururin iyo ka qaybgal bulsho oo lagu ilaaliyo shacabka Kenya khataraha argagixisada iyo xagjirnimada.

Post a Comment

0 Comments