Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah u shaacisay inay joojin doonto taageerada ay siiso Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) marka uu dhammaado muddada hadda loo oggolaaday howlgalka AUSSOM ee Midowga Afrika, oo ku eg 31-ka Diseembar 2026.
Warqad rasmi ah oo Ergada Mareykanka u fadhiya Midowga Afrika u dirtay Guddiga Midowga Afrika (AUC) ayaa lagu sheegay in Washington aysan taageeri doonin wax kasta oo lagu kordhinayo shaqada UNSOS wixii ka dambeeya taariikhdaas.
Si kastaba ha ahaatee, Mareykanku wuxuu caddeeyay inuusan diidanayn in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu dib u cusboonaysiiyo waajibaadka howlgalka AUSSOM ee ku saleysan Cutubka VII ee Axdiga Qaramada Midoobay, haddii Midowga Afrika uu doonayo in howlgalka la sii wado. Balse wuxuu sheegay inuusan taageeri doonin cusboonaysiintaas haddii ay ku jirto taageero dhinaca saadka ama hawlgalka oo ay bixiso Qaramada Midoobay iyada oo loo marayo UNSOS.
Mareykanka ayaa xusay inuu qadarinayo naf-hurnimada ciidamada iyo booliska ay dalalka Afrika u soo direen Soomaaliya, isagoo tilmaamay in tan iyo sanadkii 2007 uu bixiyay taageero dhaqaale oo ballaaran. Taageeradaas waxaa ka mid ahaa ku dhowaad $2 bilyan oo lagu maalgeliyay UNSOS iyo howlgaladii ka horreeyay, $1.6 bilyan oo si toos ah loo siiyay dalalka ciidamadu ka yimaadeen, boqolaal milyan oo dollar oo lagu taageeray ciidamada ammaanka Soomaaliya, iyo balaayiin kale oo loo qoondeeyay gargaar bani’aadamnimo iyo mashaariic horumarineed.
Si kastaba, dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in inkastoo in ka badan toban sano oo taageero caalami ah la siiyay Soomaaliya, haddana aan weli lagu guuleysan in si waarta loo wiiqo awoodda Al-Shabaab, dowladda Soomaaliyana aysan si buuxda ula wareegin mas’uuliyadda amniga dalka ama aysan hirgelin dib-u-habeyn dhab ah oo lagu sameeyo hay’adaha amniga.
Warqadda ayaa sidoo kale lagu sheegay in khilaafaadka siyaasadeed iyo isqabqabsiga gudaha ay weli caqabad weyn ku yihiin dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo Daacish (ISIS), iyadoo la xusay in taageerada caalamiga ahi aysan miro badan dhalin doonin ilaa hoggaanka Soomaaliya uu mideeyo dadaallada lagu xallinayo caqabadaha amniga iyo dowlad-dhiska.
Ugu dambeyn, Mareykanka ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya, dowlad-goboleedyada iyo dhammaan beelaha Soomaaliyeed inay iska kaashadaan la dagaallanka argagixisada iyo xoojinta nabadda. Wuxuu sidoo kale xaqiijiyay inuu sii wadi doono la socodka khataraha ka imanaya Soomaaliya, ilaalinta danihiisa amni iyo xoojinta iskaashiga amni ee uu la leeyahay dalalka gobolka.

0 Comments