Raysal Wasaare Xamse "diiwaan-gelinta Ciidamada dowlada ee Puntland way Soconaysaa

 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa si adag uga hadlay muranka ka dhashay diiwaan-gelinta ciidamada ku sugan deegaannada Puntland, isagoo caddeeyay in Dowladda Federaalka aysan ka laaban doonin qorshaha ay ku diiwaan-gelinayso ciidamada qaranka, inkastoo maamulka Puntland uu si cad uga horyimid tallaabadaas.

Isagoo ka hadlayay munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladda ay gudanayso waajibaad dastuuri ah oo saaran, isla markaana aysan jirin cid ka hor istaagi karta inay xaqiijiso xuquuqda askarta Soomaaliyeed.

Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay mas’uul ka tahay dhammaan ciidamada qaranka, meel kasta oo ay dalka ka joogaan, isagoo xusay in askari kasta uu xaq u leeyahay mushaar, darajo iyo xuquuqo kale oo sharci ah.

“Waa waajib dowladda saaran in askariga la siiyo mushaarkiisa, darajadiisa iyo dhammaan xuquuqdiisa. Arrintaas cid diidan kama dhigi karto wax sharci darro ah,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale dhaliil u jeediyay siyaasiyiin uu sheegay inay isku dayayaan inay caqabad ku noqdaan howlaha dowladda iyo isu socodka shacabka, isagoo carrabka ku adkeeyay in aan la aqbali karin in askarta qaranka laga hor istaago helitaanka xuquuqdooda.

Wuxuu sheegay in Dowladda Federaalka ay sii wadi doonto diiwaan-gelinta ciidamada ku sugan Puntland iyo bixinta xuquuqdooda, isagoo xusay in qorshuhu uusan joogsan doonin xitaa haddii tirada ciidamada la diiwaan-gelinayo ay gaarto 30,000 oo askari.

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa imanaya iyadoo maalmihii u dambeeyay ay cirka isku shareertay xiisadda u dhexeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland, kadib markii maamulka Puntland uu diiday in ciidamada Federaalka ay ka howlgalaan gudaha deegaannadiisa, kuna tilmaamay tallaabadaas mid faragelin ku ah maamulka iyo amniga Puntland.

Muranka ayaa qayb ka ah khilaafka siyaasadeed ee muddada soo jiitamayay ee u dhexeeya labada dhinac, kaas oo salka ku haya arrimo ay ka mid yihiin wax-ka-beddelka dastuurka, awood-qaybsiga dowladda iyo maamulka ciidamada qaranka.

Post a Comment

0 Comments