Musk Oo Dood Ka Abuuray Hadal Ku Saabsan Saamaynta USAID Ee Afrika

 Ganacsadaha caanka ah ee Elon Musk ayaa sheegay in dhimashada ka dhacda Afrika ay hoos u dhacday tan iyo markii la dhimay maalgelintii Hay'adda Horumarinta Caalamiga ah ee Mareykanka (USAID), isaga oo ku dooday in dalalka qaar ee Afrika aysan mar dambe awood u lahayn inay taageeraan kacdoonno rabshado wata oo lagu dhisayo maamullo bidix u janjeera.

Musk, oo hore u hoggaamin jiray hay'adda DOGE oo dowladda Mareykanka u qaabilsanayd dhimista kharashaadka, ayaa hadalkan sheegay xilli uu khilaaf siyaasadeed kala dhexeeyo Madaxweyne Donald Trump.

Si kastaba ha ahaatee, sheegashada Musk ayaa wajahday dhaliilo, iyadoo aan la soo bandhigin caddeyn si toos ah u taageeraysa hadalkiisa.

Dhanka kale, daraasad la daabacay sannadkii 2025 oo lagu daabacay joornaalka caafimaadka ee The Lancet ayaa lagu sheegay in barnaamijyada ay maalgeliso USAID ay gacan ka geysteen ka hortagga ku dhawaad 92 milyan oo dhimasho ah caalamka intii u dhexeysay 2001 iyo 2021.

Daraasaddu waxay xustay in maalgelinta USAID ay door weyn ka qaadatay la dagaallanka cudurrada faafa, horumarinta adeegyada caafimaadka, iyo badbaadinta malaayiin qof oo ku nool dalalka dakhligoodu hooseeyo, gaar ahaan kuwa ku yaalla Afrika.

Hadalka Elon Musk ayaa si weyn loogu falceliyay baraha bulshada iyo warbaahinta, iyadoo ay jiraan dad taageeray aragtidiisa iyo kuwo ku tilmaamay mid aan waafaqsanayn natiijooyinka daraasadaha caafimaadka ee la heli karo.

Post a Comment

0 Comments